ugu danbeeyey

6/recent/ticker-posts

QABASHADII BOQORKII INTERNITE KA MADOW ( DARK WEB )

  

QABASHADII BOQORKII INTERNITE KA MADOW ( DARK WEB )



KOR U KACII DARK WEB

Hilaadii sanadi 2010, dark web Wuxu sameeyey kor u kac aad u balaadhan, sababtoo ah waxa suuqa soo gashay lacagta bitcoin, oo ah lacag aanay cidina maamulin. Waxay fududaysay iibsiga waxyaabaha sharci daradaa sida (drugs, hack tools, Hubka, iwm,) ee lagu dhex gado suuqyada online ka ee sharci darada ah.

Intaa wixii ka danbeeyey, waxa bilaamay baratan u dhaxeeya shabakadaha ka dhex abuuran suuqyada madaw.

 

 

SILK ROAD

Markana waxa timi silk road. Waxay noqon doontaa aabaha internite ka madaw.

 shabakadani hawada waxay soo gashay febrayo 2011. Isla markiiba Si dhakhsaaba waxay u kasbatay isticmaalayaal badan, taas oo kasoo dhex muuqatay suuqa madaw. Isla markiiba, Waxay heshay In ka badan 100,000 oo macmiil oo drugs ku kala iibsaday.

 

Laakiin  ½ sano ka dib aasasihii shabakada waa la qabtay sidaas ayaanay silk road ku noqotay mid hawada ka baxday. Si Tusaale looga dhigo burcada kale asaasihii waxa lagu xukumay xabsi daamin. ilaa maanta sal dhiga ayuu liinta ku dhex cabayaa.

 

Dhab ahaantii suuqani waa mid aad u faaido badan. Wuxuuna u baahan yahay shabakad kale oo hogaamisa. Ka dib xidhitaankii silkaroad. tiro badan shabakadaha internet ka madaw ahi waa la qab-qabtay. Shabakadihii kale soo hadhayna, waxay u baratamayaan inay tagaaan figta sare ee suuqa madaw si ay u halaan macaamiisha ugu badan.

         SILK EOAD 2.0

35 cisho ka dib markii la qabtay silkroad 1 . waxa hawada dib loosoo galiyey silkroad 2 oo Iyana u shaqaynaysa sidii silkroad1 oo kale, waxay soo ceshatay macaamiisheedii, mar kale waxay hogaanka u qabatay shabakadaha suuqa madaw. War jiraabaa cakaara ayuu imane, iyadoon wax sanad gaadhayn suuqaba ku jirin, ayaa iyadiina hawada laga saaray.

 

Markale waxa xaga sare suuqa kasoo galay evaluation.00 shaqadiisuubadan tahay sarif, adigoo u diraya bitcoin si uu alaabaha kaaga dalbo suuqa madaw. Isku bedel kasta oo macaamiishu samaynayaana waxa uu ku lahaa guno. Laakiin isna waa la qabtay

Agora isna wuxu ahaa shabakad ka dhex abuuran suuqa madaw ee internite ka. wuxuuna si dadban u hoos tagi jiray silkroad. Ugu danbayna aas aasihiin suuqani wuxu go.aansaday inu si iskii ah u xidho waxuuna xidhay.

 

Sanadii 2015 suuqii madoowaa wuxu u muuqday mid madhan. Ka dib markii suuq kasta madaxa lasoo kacaba la qabtay. Waxaana halkan ka muuqatay fursad cajiiba una baahan cid ka faaidaysata?

 

Bishii Julyy 2014 nin isku magacaabay Alpha02 ayaa develop gareeyey shabakad uu ugu magac daray Alphapay. kaliya 5 bilood ka dib Alphapay Hawada ayuu soo galiyey. Horaantiiba wuxu ku bilaabay iibinta credit card ka lasoo xaday. Hadana wuxu ku xigsiiyey iibinta data iyo logins lasoo xaday. lyo iibinta Atm malware, daroogada iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

sidoo kale adeegyada waxa ka mid ahaa maydhista lacagta madaw, Laakiin waxyabaha qaar ayaa ka macnuun ah oo ay ka mid yihiin. Xadista data.da caruurta. Xadista bank card yada laga leeyahay rusia. Intaasiba waa ka mabnuuc. Tanina waa farsamo xirfadaysan.

 

Alpha02 wuxu iska dhigayaa muwadin kasoo jeeda rusia si uu u majar habaabiyo sir doonka ku daba jira.

Website kani wuxu u shaqaynayaa sida wesite ka  Amazon oo kale waxaad u baahan tahay ayaad ka dhex daarin kartaa. Waxaad awood u leedahay inaad wax ka iibsato adoo adeegsanayaa lacagaha, bitcoin, monera, ethrum.

 

Intaa wxii ka danbayey platformkani wuxu noqday mid guulaysta kasbadayna macaamiil badan. Wuxuuna ka horumaray dhamaan shabakadiihii kale ee suuqa kula jiray.Waxaan sanadba gaadhayn wuxu kasbay 200.000 oo user Iyo 40.000 sellers ah. 2017 aphapay waxa lasoo geliyey 300.000 oo item. wuxuuna ka faaidayey lacag ku dhaw milion dollor maalin kasta..

 

Sidoo Alph02 waxa u dul saarnayd lacag isku bedel kasta oo ka dhex dhaca alphapay. Sidaasna wUxU ku noqday milionre. Alph02 wuxu samaystay shabakado kale oo isaga ka wakiila waxaana ka mida desnake00 ay ku midaysan yihiin dhexdhexaadiyaal ilaaliya khilaafadka shabakada dhexdeeda ka dhacaya. Ugu danbayn alpha02 wUxU damcay inu ka fadhiisto shaqada wuuna ka fadhiistay waxaana booskii buuxiyey dsnake..

Arintanina waxay wareerisay dhamaan sirdoonkii american ka ahaa kuwaas oo soo

Qaban kari waayey maskaxdan maamulaysa suuqa intan leeg.

WAA KUMA KING OF DARK WEB (ninkan dunida wareeriyey)

Waxay raadiyaanba sirdoonkii american ahaa, waxay ku fikireen firkad ay is dhaheen, waxay idiin sahlaysaa qabashada aabaha shabakadan. oo waxay isku dayeen inay soo helaan halkay yaalaan serverada ay ka dab qaadanayso shabakadani. waxayna Rabeen inay usii maraan browserka Tor. Nasiib daro Serverska tor iyo shabakada ka dab qaataaba waxay noqdeen kuwa daafaha dunida ku kala teedsan waynay adkaatay in Alphapay laga soo dhex qabto.

Haddana sirdoonkii american ka ahaa waxay keenen fikrad cusub. Waxay iska dhigeen qof aan la garanayn waxayna darooga ka iibsadeen isla shabakadii alphapay. Inuun waxay rabeen inay hal raad raac ka helaan iibiyayaasha daraagiska si ay ugu fududaato inay soo qaabtaan.

 

Lakiisne dhamaan ciday daba galeen kaliya waxay noqdeen uun isticmalayayaal yar muhiimaduna iyaga maaha ee waa apha02. Dhinaca kale ninka Alpha02 wUxU muqdaa mid la socda raadraac kasta oo lagu hayo. Wado kasto oo loosoo mari karana wuu ka taxadiray waayo waxa kaliya halis galin karta hal qalad oo uu sameeyo. Sidaas darteed dabagalayaashii way ku adkaatay inay wax xoga ka helaan ninkan ilaa laga soo gaadhay 2016..

 

Maalin malmaha ka mida. Nin lagu magacaabo ropert miler oo ka shaqaynayey hayada dea ee dabashagasha darooga marayka . Ayaa wUxU furay emailkiisi wuxuuna sii furay emailkii soo dhawaynta ahaa ee uga yimid alpha pay markii uu iska diwaan galinayey waagii hore ay dabagalka ku hayeen. Wuxuuna arkay hal qalad oo emailkan la socda wuxuuna helay cida soo dirtay emailkan waayo qofkasta oo webstikn iska rejistar gareeyaa waxa Usoo dhacayey welcome massage.

Wuxuuna helay emailkan ciwaankiisu yahay pimp_alex

Emailkani wuxu u furay daaqad uu kiiskii dib ugu laabto.

Baadhayashii waxay dabagaleen emailkii waxayna haleen sawiro 2008 ah oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Alex..

Sidoo kale waxay usii fiirsadeen descrjbtionka hoose ee profilka waxaana ku qornaa qorkaan ah halku gurigiisu ku yaalo wxuna ku yaala cidhifka quebec koonfured ee canada

Sidoo kale waxay ku yaalay dadiisa 17 waxaana la barbar dhigay tiradii emailka ku qornayd halkaana waxaa kasoo baxday 23 jir inu ahaa markii Iphapay la sameeyey.

 

Sidoo kale username ay ku qorantahay Alph02 ayaa laga helay shabakada french language wuxuuna kusoo baahiyey sawir 2008 wuxuuna ku sharaxay sidee virus looga saraa sawir isla emailka soo dhigay xogtani wUxU noqday kii hore waxaana cidhifka kale ku qornaa magaca saxdaa ee isticmaalaha oo ah ( alexender...cases) markaan baadhayaashii waxay heleen magiciisi saxda ahaa, sidoo kale waxay paypal account tigiisii wuxuuna kusoo gelaa emailkii sirta ahaa. Haddana waxay soo heleen profail acounkiisa link in. Waxaana ku lifaaqnaa halku ka shaqeeye o ah (EBX TECNOLOGY). Sidoo kale waxay gabadh facebook ka heleen gabdha uu qabo ah gabadh thai ah degana dalka canada tana waxay u sahashay inay baadhayaashii u magaaladii ay toos uga dhex baadhi lahaayeen. Bangkok. Baadhayaashii iyagoo kaashanaya ciidamada thailand waxay heleen 3 seddex guri oo u khaas u leeyahay. Midka magaalada ku dhex yaala waxa degan isaga labada kalana koornayaasha magaalada ayey ku yaalaan. Sido kale wUxU leeyahay gur ku yaala (phuket) kaas oo uu aado waqti fasixiisa. Guri kalana wUxU ku leeyahay cyprus..

Ugu danbayn waxa la bilaabay in Toos loola hadlo.. Haddii aynu ku noqo noloshiisa saxdaa AphA02 waa Multi.mioloire wUxU leeyahay gaadhi kala duwan oo qaaliy. Wuxuuna jecel yahay wadista gawaadhida oo uu ka tamashaleeyo bangkok. Isagoo gaadhi lamborgini ah ku tamashalyna ayey baadhayaashu jabasaden mobilkiisa iphone ka ah waxayna haleen macluumad kasta oo ku saabsan gurigiisa saxdaa.

Alexden casez wUxU ku nool yahay guri qurux badan wuxuna kula nool yahay xaaskiisa. Gurigiisa kalana wUxU u isticmaalaa shirarka khaaska ah. Cazes waa inan magacyo badan kusoo gala social.media waxaana la helay post kala duwan oo kaga hadlayo guusha iyo arimaha qoyska. Dhinaca kale waa nin bulshada aan ka dhex muuqan oo aan laga dareemayn wax lacaga iskadaa inu yahay king of dark web e.

WUxU kacaa 8 subaxnimo ka dib wUxU isha mariyaa barahiisa kala duwan ee socail media ha iyo wxii fariimaa ee xagga shaqada uga yimaada. WUxU bartaa course ku saabsan Iuuqadaha.

Xili qadahana xaaskiisa ayey wada qadeeyaan.

Gudaja bisha june 2017 oo ku beegan isla wiigii xogta ugu badan laga helayey alexender baadhayashi american ka ah oo ku cawaynaya hotel ku yaal bankonk ayaaba waxa si kadiss Usoo galay Alexder.

Alxeden wUxU fadhiistay miis u dhaw baadhayaashii kaliyana cida u timi waa mudalkii cashada. Bil ka dibna dunida wUU ka ambabixi doonaa

Waqti xaadirkan la joogo waa (2017) alpha waa suuqa ugu halista badan suuqyada madaw waana ugu sareeya dunida oo dhan dar webka. Lkn se waxa jira suuqyo kale ee la baratamaya waxaana ugu cadcad shabakada kale oo la dhaho Hansa. Hansa kaalinta labaad ayey kaga jirta suuqa madaw marka loo eego alphapay waxayna samaynaysa kor u kac aan caadi ahayn. Sidaas oo ay iyadana waxa mudaba ku daba jiray sirdoonka natherland. Ugu danbayna waxay haleen serversku halkay yaalaan waaxanay yaaleen isla wadanka natherland. Halkana waxa ugu muuqatay fikrada cajiiba oo ay ku ogaan karaan suuqyada madaw cida maamusha. Waxay gudaha u galeen shabakadii waxayna copy dhaheen data yooinkii iyo maclumadkii soo galayey kana baxayey. Iyagoo kaashanaya ciidanka sirdoonka germany ee BKA waxay gacanta ku dhigeen conterlkii hansa.shabakadiina may xidhine waxay ka dhigeen mid sii shaqaysa maadaama ay iyagu gacanta ku hayaan si ay u ogaadaan shabakadaha kale ee kusii xidhiidhsan.

Waxayna daba galayeen lacagaha pitcoinka ka ah lays waydaarsanayo iyo cid la kala wareegaysa. xaalku marku halkaa marayo FBI waxay garab waydiisteen ciidamadii sirdoonka ee netherland iyo BkA si ay ugala hawl galaan ka takhalusidaAlpha02

 

 

(Oprention bilow)

 

Hawl galkan waxa ka wada hawl galayey FBi and DEA iyagoo kaashanaya 7 wadan oo kale urubean ah. FBI waxay gudaha u gashay oo maamulkeeda la wareegtii shabakadii Alphapay.

Halka sirdoonkii dutch ka ahaana gacan ku hayntiisa la wareegeen Hansa. Sababta ay ka rabaana waa haddi alphapay la xidho in

macaamiisha Usoo wareegta hansa lasoo dabo galo. Markasta waa shabakad hawada laga saarana isticmaalayaasha suuqa madawi waxay u wareegaan shanlbakad kale..

Intu xaal halkan marayo alexender casez waxababa muu ogayn wUxU iskaga tamashlaynayaa babuurtiisii iyo guryihiisii..

1 june 2017 waxa hirgalay hawl galkii l aad waxaana la xidhay laba kamida maamulayaashii Hansa market.

Shabakadii hansa su toosa ayaa loola wareegay iyadoo shqaynaysa cidina may ogaan inu sirdoon gacanta ku hayo

5 julay 2017 waxa la gudo galay qabashii alexender

Waxaana bilaabay sidiii gacanta loogu soo dhigi Iahaa maskaxdan dunida qaribtay. 2 sanona raadintiisa lagu daba jiray.

Gaadhi tayota ah oo midabkiisu yahay Gray ayaa soo hor maray wada hor marła guriga alxender casez waxaana waday gabadh. Markii ay guriga alxender hormaraysay ayey u sheegtay waardiyihii guriga inay halkan kala jeesan doonto ka dib ayey u baxday si kadisa ayeyna gaadhiga dabadiisii ugu dhufatay albaabkii guriga. Axlexebser oo gudaha guriva ku jiray ayaa maqlay shilka dibada gurigiisa ka dhacay wuuna soo cararay si u ogaado xaalada shilka. Muhiimada loo socdaaana waaba intan waxa la rabay inu ka yimaado laptopkiisa oo furan. Si marka la xidho loo helo qalabkiisii oo unlocked ah waayo haddii hard driveskiisu locked yihiin waxa SUUrO gal ah inay Aplphapay sii shaqaysa isagana qaxba laga soo saari waayo. Alexexder wUxU kasoo baxay gurigii isagoo ordaya wuxuuna soo gaadhigii .isla markiiba waxa kusoo booday ciidamo u diyaar ahaa nasiib wanaag wax walba waxay u dhaceen sidii la rabay labtomkiisi isagoo umlocked ah ayuu kasoo cararay.





FIIRO GAARA = xogtan waan soo xigtay sidii ay ahaydna umaan turjumin ee scribt ahaan u qoray, qoraalkanina uma diyaarsana si habaysan waanan soo koobay ilaa xad 

Post a Comment

0 Comments